Farac Xawaalad oo Hormuud hoos Taga oo Dhegaha ka Fureystay Amarkii Dowlada..

Business Security Somalia news

Farac Xawaalad Shirkada Hormuud soo tagta laguna magacaabo PaySii, oo ay Soomaali badan app-keeda lacag ugu diraan Qoysaskooda iyo Ehelkooda ku sugan Somalia, ayaa dhegaha ka fureysatay inay u hogaansanto amar ka soo baxay Dowladda Federaalka dhowr toddobaad ka hor..

Dowladda Federaalka ayaa amartay dhamaan Shirkadaha Ganacsi, Diyaaradaha iyo Xawaalado ee ka hawlgala Somalia inaysan ku kicin tallaabo wax u dhimaysa Gobanimada iyo Midnimada Amarka Dowladda Federaalka wuxuu farayaa shirkadaha in magaca maamulka Somaliland aan lagu darin taxa magacyada Dalalka shirkad ay ka hawlgasho.

PaySii, oo xiriir la leh Shirkado sida Golis Telecom iyo Hormuud, weli waxay ka cagajiidaysaa iney u hogaansanto amarka Wasaarada Ganacsiga ka soo baxay kaasoo saameeyay Ethiopia Airlines iyo FlyDubai way u hoggsansameen amarka Dowladda. Ma cadda tallaabada ay Dowladda ka qaadayso PaySii oo ugu yaraan 90% macaamiisheedu lacago u diraan Waqooyiga iyo Konfurta Somalia.

342500cookie-checkFarac Xawaalad oo Hormuud hoos Taga oo Dhegaha ka Fureystay Amarkii Dowlada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *