Rooble & UN-ka Oo wada Cambaareeyay Weerarkii Hoobiyayaasha Ee Xarunta Baarlamaanka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa cambaareeyay hoobiyayaashii lagu weeraray Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, Weerarkaan ay ku Dhaawacmeen 2-kamid ilaalada Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur…

Bayaanka Wasiirka 1-aad ayaa lagu xusay in “ Isku dayga maanta wuxuu ahaa mid fuleynimo ah oo la doonaayay in lagu cabsi geliyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku guda jiray waajibaad gudashahooda dastuuriga ah si loo curyaamiyo in Doorashada ay dhaqsi ku dhamaato”.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Wasiirka 1-aad uu bogaadinaayo shaqada naf-hurinimada ah ee Ciidamada Qaranka, wuxuuna faray Taliyayaasha iney labalaabaan dadaaladooda ku aadan sugida amniga ka hor tegista isku day kasta Amniga guud ee Dalka gaar ahaan kan Caasimada.

Dhanka Kale Qaramada Midoobay waxa ay cambaareysay weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee maanta lagu qaaday Baarlamaanka Somalia, kaasoo dhacay xilli ay kulan lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

183370cookie-checkRooble & UN-ka Oo wada Cambaareeyay Weerarkii Hoobiyayaasha Ee Xarunta Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com