Ma Dhabaa in Xal Laga Gaaray Khilaafkii u Dhaxeeyay Dowlada Federaalka & Maamulka Baydhabo…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safarkii Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarun KMG ah ee maamulka Konfur Galbeed ayaa ku guuleystay inuu xaliyo khilaaf soo kala dhex galay Hogaanka Villa Somalia iyo kan Maamulka Koonfur Galbeed…

Safarka Mr.Xamse ayaa la xiriiray sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka kala dhaxeeya Hogaanka Villa Somalia, wuxuuna dhageystay tabashooyinka ay qabaan Maamulka iyo Odayaasha Dhaqanka oo ku aadan isla Dowlada Federaalka ay gaabisay wax u qabashada Dowlada dhiska degaanada Konfur Galbeed.

Mr.Xamse oo Casho sharaf iyo Sagootin loo sameeyay ayaa sheegay in Shacbiga Soomaaliyeed ay muujiyaan Is-tanaasul iyo in Rajo xumo aan la abuurin, iyadoo Dowlada Federaalka ay mas’uul ka tahay Amniga Dalka, Xoojinta Midnimada, Diintooda, Maalkooda iyo Badqabka Shacbiga, mar uu ka hadlay Dhanka Amniga iney ka xoreyn doonaan Degaanada Konfur Galbeed ay heystaan kooxaha Argagixisada.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Mr.Xamse iyo Mr.Lafta gareen ay isku kaliyeysteen Kulanka, iyadoo goobta laga saaray Agaasimaha NISA iyo Habdhowraha Golaha Baarlamaanka kaasoo ka socday Gudoomiye Aadan Madoobe, iyadoo Lafta gareen uu gudbiyay tabashadiisa oo ay ku jiraan Balamo hore oo looga baxay ayna ku jiraan la-tashiyada Go’aanada Masiiriga ee khuseeya Amniga.

343060cookie-checkMa Dhabaa in Xal Laga Gaaray Khilaafkii u Dhaxeeyay Dowlada Federaalka & Maamulka Baydhabo…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *