Mursal Oo La Hadlay Taageerayaasha

Somalia news

Sii hayaha Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS  Mudane Mursal Shiekh ayaa xalay kulan uu laqaatay Tiro Xildhibaano taabacsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, isla markaasna u ololeeynayo Mudo kordhinta ayaa usheegay inay jiraan farriimo farxad leh oo ka soo gaaray Dowlado saaxiib la ah Dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday….

Mr.Mursal ayaa yiri “Aniga & Madaxweyne Farmaajo go’aan Waxaa naga go’aan ah inaan meel marino mudo kordhinta (2-da sano ah) markii aan ka helnay taageerada dhameystiran Dowladaha Ethiopia, Eritrea, China iyo Russia, Taageeradaan ayaa sidoo kale waxaa damaanad qaad nooga ah Qatar iyo Turkiga marka ay noo xaqiijiyeen inuusan Dowlad kale oo caalamka kamid ah aysan waxba naga qaadeenin.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Mr.Farmaajo la filayaa maalmaha soo socda inuu xiriir khadka Isgaarsiinta la yeesho Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka si loo sii ambaqaado iskaashiga labada dowladood isla markaasna uu tageeri lahaa muddo kordhinta la qorsheeyay.

Dhawaaqa kasoo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka xilgaarsinta aya umuuqda mid Mareykanka & Midowga Yurub aan looga baahneyn Somalia isla markaasna u arkaan ineysan isla jaanqaadi karin Danaha Maamulka Fashilmay Farmaajo & saaxiibada qadiimiga ee ay leheyd oo ay ugu horeyaan Mareykanka & Midowga Europe kuwasoo dhaqaale farabadan ku bixiyay in dhismaha Dowlad Wanaagsan Somalia.

105620cookie-checkMursal Oo La Hadlay Taageerayaasha