Tiro Dad Shacab ah Oo Dhaawacyo & Dhimasho ka soo gaareen Qalab Isgaarsiineed Dalka Lebanon..

Security World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo saameeyay 2750-Qof oo horseeday Dhaawacyo iyo Dhimasho, Qalab Isgaarsiineed oo gacanta laga isticmaalo Afka qalaaadna lagu yiraahdo (Pagers) laguna farsameeyay Taiwan, iyadoo lagu eedeeyay Qaraxyadaasi Sirdoonada USA & Israel halka Diyaaradaha wax basaasa ee USA ay Xiligaasi dul heehaabaayeen xeebaha…

Warar loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Saraakiisha Taiwan ay ku andacoodeen in Qalabkaan lagu qarxiyay degaano ku yaal Dalka Lubnaan ay soo saartay shirkad reer Yurub ah oo wata magaca Taiwanese Shirkadda reer Yurub ayaa walxaha qarxa ku dhejisay Pagers, waxaana qalabkaan la keenay Dalka Lubnaan 5 bilood ka hor, iyadoo Ardayda & Macallimiinta Jaamacada American University todobaad ka hor laga mamnuucay iney Pagers la soo galaan gudaha Jaamacada iyo Isticmaalkaba.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan Firass Abiad ayaa sheegay in in ka badan 200 oo qof ay ku sugan yihiin xaalad halis ah kadib markii qalabkaan isgaarsiineed ay qarxeen in ka badan 150 isbitaal ayaa la tacaalaya dhibanayaasha, iyadoo dhaawacyada inta badan laga soo sheegay wejiga, gacmaha iyo caloosha, Sirdoonada Reer galbeed ayaa baahiyay in Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha ururka Xisbullah.

Wakaalada wararka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen duleedka konfureed ee magaalada Beyruut iyo deegaano kale oo dhowr ah. TV-ga Al-Manar ee Xisbullah ayaa sidoo kale sheegay in qalabka gacanta ee askarta isticmaalaan ay ku qarxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

343580cookie-checkTiro Dad Shacab ah Oo Dhaawacyo & Dhimasho ka soo gaareen Qalab Isgaarsiineed Dalka Lebanon..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *