Maxaa ka Run ah in Dowlada Djibouti ay Hub, Saanad iyo Drones ay u soo Iibisay Maamulka Somaliland..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in Maamulka Somaliland oo 10-kii bilood ee u dambeeyay dagaal kula jira Xoogag hubeysan oobka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa in muddo ah ku raad joogay sidii Hub, Saanad iyo Diyaaradaha Drones-ka si suuq madow uga soo iibsan lahaa Dibada..

Xogtasn ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Maamulka Muuse Biixi ay dhawaan soo gaari doonaan Shixnado Hub, Rasaas iyo tiro Diyaaradaha Drones-ka oo qiimahoodu lagu qiyaasay 10-Millions oo US$, lagana soo iibiyay Dalalka China iyo Nord Korea, waxaana la sheegay in Iibinta Shixnadaan ay fududeeyeen Saraakiil iyo Bangiyo ka tirsan Dalka Djibouti.

Dalka Somalia oo laga soo bilaabo sanadkii 1991-gii ay saaran tahay Cunaqabataynta hubka, isla markaasna la filaayo in Horaanta Bisha Decembar laga qaado xayiraada ayaa culeys ku noqon karta hadii Shixnadaan laga soo dejiyo Djibouti ama Berbera, Mr.Biixi ayaa damacsan in Hubka iyo Diyaaradahaan uu geeyo Degaano ka tirsan Gobolka Sool oo dhawaan Xoogaga SSC ay ka saareen Maleeshiyadiisa.

289630cookie-checkMaxaa ka Run ah in Dowlada Djibouti ay Hub, Saanad iyo Drones ay u soo Iibisay Maamulka Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com