Iran oo Mowjado Gantaalo ah ku garaacday Goobo Badan oo Israel ku Yaal..

Security World

Iran ayaa xalay fiidkii oo Talaado aheyd waxey mowjado gantaallo ah ku garaacday goobo badan oo Israa’iil ah, saacado kadib markii Ciidamada Israa’iil ay sheegeen in ay weerar dhulka ah ku qaadeen koonfurta Lubnaan, waxaana ka dhashay khasaare balaaran Weerarka Gantaalada…

Dhawaqa qaraxyo ayaa laga maqlay magaalooyinka Tel Aviv, Haifa iyo Jerusalem, waxaana guud ahaan dalka laga maqlayay seegayaal. Intii uu weerarka socday, milatariga Israa’iil ayaa ku amray muwaadiniinta Israa’iil in ay aadaan goobaha la ilaaliyo oo ay bambooyinka gabbadaan.

Iran oo weerarka u adeegsatay 180-200 Gantaal ayaa si rasmi ah u shaacisay goobaha lagu bartilmaameedsaday gantaaladeeda ballistic-ga waxaana ka mid ah:-

• Xarunta Dhexe Sirdoonka ee Mossad •Saldhigga Hawada ee Nevatim

• Hatzerim Air Base, Xarumaha raadaarada iyo Bakhaarada kaydinta Tangiyada

345070cookie-checkIran oo Mowjado Gantaalo ah ku garaacday Goobo Badan oo Israel ku Yaal..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *