Kooxda Shababka Oo Weerareen Farsiin ay Ciidamada ATMIS ku lahaayeen Buulo Mareer..

Somalia news

Warar dheerar ah ayaa laga helayaa weerar kedis ah ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada ATMIS degaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose, weerarkaan ayaa dhacay saacadihii hore ee Saakay kaasoo la sheegay iney ka dhasheen khasaare ka dhasheen…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in weerarkaan uu ku bilaawday tiro Qaraxyo ah farsiinka, iyagoo ku guuleystay iney gudaha u galaan halkaasoo la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaran labada dhinac, waxaana la sheegay in diyaarado gurmad ah ay gaareen Fariisinka.

Ilaa hadda hadda la soo sheegin faahfaahin khasaaraha ka dhashay, kooxda Shababka ayaa sheegtay iney Qabsadeen Fariisinka, Waayahaan dambe ayaa Kooxda Shababka waxey kordhiyeen weerarada lagu qaado Fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ciidamada ATMIS.

257810cookie-checkKooxda Shababka Oo Weerareen Farsiin ay Ciidamada ATMIS ku lahaayeen Buulo Mareer..