Safaarada Ethiopia ee Djibouti Oo Xaqiijisay Dhimashada Tahriibayaal…

Africa News Security

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil Doonto dagay oo ay ku dhinteen 48-Qof oo Tahriibayaal Ethiopian ah kuwaasoo la sheegay in laga soo celiyay Dalka Yemen, Doontaan ayaa ku degtay Xeebaha Dalka Djibouti 1-dii Bishaan, sida ay xaqiijiyeen Howlwadeeno ka tirsan Safaarada Ethiopia..

Dhacdadan ayaa waxaa ku lug lahaa labo Doomood oo buux dhaafiyay oo wadar ahaan 320 tahriibayaal ah ka soo qaaday Yemen, War qoraal ah oo ay Safaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in baaris xaqiijin ah oo laga sameeyay goobta lagu ogaaday in “dhamaan Muhaajiriinta ku lugta leh dhacdadan nasiib darrada ah ay ka soo wada jeedaan Dalka Ethiopia.

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM ayaa sheegtay 3-Maalmood ka hor in ugu yaraan 48-Qof ay ku dhinteen 111-kalena weli la la’yahay kadib markii ay Naaquudayaasha Ay Tahriibayaal xoog kaga dejiyeen doonidii ay saarnaayeen oo ku jirtay Badda Cas, Dhacdadaan oo ka dhacday xeebta Obock, oo u dhow Godoria ayaa waxaa ku lug lahaa laba doomood oo ay saarnaayeen tahriibayaal ka soo laabtay Yemen.

Dhacdadaan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka Tagriibayaasha ah ay la kulmaan, Bishii Agoosto, doon kale ayaa ku degtay gobolka Ta’iz ee Yemen, taasoo sababtay dhimashada 13 iyo 14 qof ayaa la sheegay in la waayay, Masiibooyinka noocaan oo kale ah ayaa dhacay bilihii la soo dhaafay, kuwaasoo horseeday dhimashada tobanaan tahriibayaal Ethiopian ah oo isku dayay iney ka gudbaan Baddaha halista ah.

345370cookie-checkSafaarada Ethiopia ee Djibouti Oo Xaqiijisay Dhimashada Tahriibayaal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *