Qorshe Uhuruu Watay Oo Xeer-Beegta Kenya Diiday

Africa News

Garsoorayaasha Maxkamada Rafcaanka Kenya ayaa taageertay Go’aan ay horey u gaartay Maxkamad hoose oo hor istaagtay Qorshe uu watay Uhuruu iyo Madaxa Mucaaradka kaasoo saamaxaayay in isbedel asaasi ah lagu sameeyo Dastuurka Dalkaasi…

Mashruucaan oo welwel xoogan iyo cabsi ay ka muujiyeen inta badan Bulshada Kenya ku dhaqan kuwaasoo ay ku jirto Bulshada Soomaaliyeed, Waxaana xeer-beegtu ku sifeeyeen “ Mid aan Dastuuri aheyn oo sharci darro ah”, wuxuu xeerinaayay in Tirada Xikdhibaanada iyo Senatorada Somalia/Kenya la dhimo.

Hindisaha Dhismaha Buundooyinka (BBI), oo ay Hormuud ka ahaayeen Mr.Uhuruu iyo Odinga, ayaa la sheegay in qodobada la isku dayay in isbedel lagu sameeyo waxaa ka mid ahaa:-

-Soo celinta Jagada Ra’iisul Wasaaradaha oo ah hab lagu majaxaabin karo awooda.

-Oggolaashaha Miisaaniyad dhaqaale 47-Maamul Ee Kenya ka dhisan si ay u oggolaadaan Qorshahaan.

-In Awooda Golaha Wasiirada loo kordhiyo mataalada Qaranka.

-In Muwaadiniinta Kashifa Musuqmaasuq ay 5% ku yeeshaan lacagaha la soo celiyo.

136730cookie-checkQorshe Uhuruu Watay Oo Xeer-Beegta Kenya Diiday