Dhismaha Dekeda Hobyo & Horumarinta Kaabayaasha Degaanada Galmudug..

Economie Somalia news

Shalay waxaa qalinka lagu duugay Heshiis u dhaxeeya Shirkad ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu dhisayo Dekada Hobyo kaasoo xafladiisu ay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degaanka…

Wararka ayaa sheegaya in Heshiiskaan uu socon doono ku dhowaad 80-Sano, dhismaha Dekada uu bilaaban doonaa muddo 45-Maalmood kadib, iyadoo 70% mashruucaan ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna u dhaxeeyaa Shirkadaha maalgashiga Hobyo iyo mid laga leeyahay Turkiga ee lagu magacaabo METAG.

Waxaa jiray heshiisyo hore oo lala galay Shirkado shisheeye oo aan dhaqan gelin. Maamulka Galmudug ayaana si cad u sheegin sababta ay u dhaqangeli waayeen heshiisyadii hore, Balse waxaa jiray dhowr arrimood oo Galmudug ku tilmaantay iney caqabad horay u ahaayeen, haatanse xal loo helay, inkastoo Xaalada Amaan ee Degmada Hobyo iyo Degaanada ku xeeran lagu tilmaamay iney u dhaqan geli waayeen Heshiisyadii hore.

Caqabadaha kale ayaa la filayaa iney meesha ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha lagu dhisayo Dekedda markii hore la filayay iney bixiyaan Shirkado shisheeye balse haatan inta badan Dhaqaalaha ay bixinayaan Ganacsato Soomaaliyeed, waloow ay qayb ahaan laacagta bixin doonto shirkadda fulineysa dhismaha dekedda.

345710cookie-checkDhismaha Dekeda Hobyo & Horumarinta Kaabayaasha Degaanada Galmudug..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *