Doon Sida Qalab Dayactir Oo Ku Soo Xiraneysa Garacad

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Doontii ugu horeeyay oo sida shixnad qalab dhismaha ah ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah uu kusoo xirto Dekedda cusub ee Garacad ee gobalka Mudug, iyadoo Dhismaha Dekedaan uu maraayo heer gebogebo ah..

Dekedda Garacad oo dhismaheedu uu soo bilowday sanadkii 2018-kii, ayaa dhowaan la dhameystiray Jambigeeda 1-aad, waxaana hada si habsami leh u socda dhismaha jambiga labaad, iyadoo la filayo in bilaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, Shixnada ay sido Doontaan ayaa ah, qalabkii lagu dhameystiri lahaa Dekedda Garacad.

Dhismaha Dekedda ayaa ah mashruuca ugu weyn ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha ku baxay iska leh ganacsato Soomaaliyeed oo u badan Reer Puntland. Dekedda Garacad ayaana noqonaysa Dekeddii labaad ee Puntland, iyo Dekedda 5 ee Somalia.

Waxaana lagu wadaa iney Wafti ka socda Puntland iyo ganacsato fara-badan ayaa gaaray maanta Garacad si ay uga qeybgelaan munaasabadda soo xirashada Markabka.

153140cookie-checkDoon Sida Qalab Dayactir Oo Ku Soo Xiraneysa Garacad