Dad Ku Geeriyoodeen Dooni Ku Qalibantay Wabiga Jowhar..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah oo hordhac ah ayaa laga helayaa Dooni ay la socdeen 7-Qof ayaa la sheegay iney ku rogmatay inta u dhaxeysa tuulooyinka Cumar Isman iyo Galeefo oo ka wada tirsan Degaanada Bal-caano ee bariga magaalada Jowhar, waxaana ka dhashay Khasaare Dhimasho xambaarsan…

Wararka ayaa sheegaya in Shilkaan uu ka dhacay Shalay Casir-liiqii, iyadoo Doonida la sheegay iney soo rarteen Xubno Gadisley ah oo doonayay in Dadka badeecado ka iibsadaan, Doontana waxaa saarnaa 7-Qof & 30 Loor oo Galey ah ayaa saarneyd, iyadoo laga soo badbaadiyay 5-Qof, waana la degtay, Waxaana la helay hal Nin waxaana la la yahay Nin kale, Doontii iyo badeecadii saarneyd ayaa biyaha qaadeen.

Degaanada Balcaano oo ka kooban in ka badan 70 tuulo, ayaa muddo laba sano ah go’doon ugu jirta fataahaado uu sameeyay wabiga Shabelle, Dadka Degaannadaasi ayaa isaga kala goosho doonyo yar yar oo ganacsi, ilaa hadda ma jiraan Gurmad Maamulka Gobolka iyo kan Hirshabelle u fidiyeen dhibaatadaan ka dhacday Degaankaasi.

345740cookie-checkDad Ku Geeriyoodeen Dooni Ku Qalibantay Wabiga Jowhar..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *