Maxaa Xiligaan Keenay in Kursiga Wasiirka 1-aad uu Khilaaf Hareeyay Yaase Ka Macaashaya.

Politics Somalia news

Kadib markii uu Kulankii Golaha Wadatashiga Qaran isaga baxay Axmed Madoobe ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, iyadoo Mr.Xamse Cabdi uu awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Beesha Axmed Madoobe ayaa ku guul darreystay inuu Madaxweynaha Jubbaland ku qanciyo Qorshaha Doorashada ee Dowladda Federaalku rabto…

Xuuraanada la helay ayaa daaha ka rogaaya in Mr.Xamse Cabdi uu dadaal u galay sidii uu u qancin lahaa Axmed Madoobe, isagoo ilaa laba shir oo gaara la yeeshay, balse kulamadaasi ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan, taasoo ugu dambeyn keentay inuu Axmed Madoobe ka tago shirkii ka socday Muqdisho, ku darsoo Dadaalo kale oo ay wadeen Odayaal Dhaqmeed iyo Ganacsato ayaa iyagana guuldareystay, iyadoo laga yaabo in xaaladaan ay ka macaashaan Xoog 3-aad.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Mr.Xamse Cabdi uu Axmed Madoobe ku wargeliyay inuu iska casilayo xilka uu hayo, haddii ay Jubaland xiriirka u jarto dowladda Federaalka, wuxuuna Xamse arrintaasi  sabab uga dhigay in isagoo Ra’iisal wasaare ah aanu qaadan karin in maamul Goboleedkii kuu kasoo jeeday uu ka hor yimaado Dowladda Fedreaalka.

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa is-weydiiyay awooda Wasiirka 1-aad: “Mr.Xamza oo shalay lumiyay Puntland oo uu beel ahaan ku metelo kursiga Ra’iisul wasaaraha, maantana Jubaland oo uu Xildhibaan u ahaa ku qancin waayay siyaasadda DFS, saameeyn caynkee ah ayuu ku sii yeelan karaa in Dalka intii horey isu oggoleyd la isku sii hayo”.

345970cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Kursiga Wasiirka 1-aad uu Khilaaf Hareeyay Yaase Ka Macaashaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *