Danjiraha China Oo Somaliland ku Qeexay “Qoys Soohdin ka Dhistay Gurigooda”..

Somalia news World

Macluumaad ayaa laga helayaa hadalo kulul oo ay baraha bulshada isu mariyeen Maamulka Gooni isu-taaga Somaliland iyo Danjiraha China ee Somalia saacadihii la soo dhaafay, taasoo soo jiidatay indhaha Shacbiga Soomaaliyeed salkana ku heysa Dhoola-tuska Ciidamada China ee Xeebaha Taiwan…

Doodaan ayaa lagu daah furay Qoraal ay soo saareen Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Maamulka Muuse Biixi kuna dhaleeceysay Dhooltuska Ciidamada China ee ka wado Xeebaha u dhaxeeya Dal weynaha China iyo Kooxda Gooni goosadka ee marinka Taiwan.

Danjiraha China ee Somalia Mr.FEI Shengchao ayaa kaga jawaabay qoraalkaasi isagoo la barbar dhigay Maamulka Somaliland “Qoys gurigooda ka dhex sameystay Soohdin”, waana in la ixtiraamaa Xuduudaha Qaran leeyahay, Somalia iyo China ayaa ka siman in Taiwan iyo Somaliland iney u aqoonsan yihiin labada Maamul kuwo falaago ah qeybna ka China iyo Somalia.

251260cookie-checkDanjiraha China Oo Somaliland ku Qeexay “Qoys Soohdin ka Dhistay Gurigooda”..