Madaxa Hey’adda Sirdoonka USA oo Safar Qarsoodi ah ku Yimid Mogadishu…

Security Somalia news U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar shaqo oo qarsoodi ah uu Caasimada Somalia ku yimid Madaxa Hey’adda CIA ee Dalka USA Mr.William J. Burns oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Hey’adaasi, isagoo Kulan la yeesha kulan gaar la yeeshay Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA…

Madaxa Hey’adda CIA & Mas’uuliyiinta Somalia ayaa iska xog wareystay arrimaha Amniga guud ee Gobolka iyo Iskaashiga Somalia, Mareykanka ee la dagaalanka Argagixisada iyo Xiisadaha u dhaxeeya Somalia & Ethiopia, Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Somalia ayaa meel adag ka istaagtay inay ka hortagto damaca Waalida ah ee Maamulka Abiy ee Ethiopia ayna ku dooneyso iney ku boobto Xeebaha Dalka, iyadoo Dhinacyadaan (Somalia & USA) ay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay wadajirka, Midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Somalia.

Mr.Burns ayaa horey u soo maray Dalka Kenya oo uu kula kulmay Madaxweynaha Dalkaasi iyo Agaasimaha Sirdoonka, iyagoo ka wada hadlay xiriirka, iskaaahiga labada Dal, ka wada shaqeynta Amniga guud ee Gobolka & la dagaalanka kooxaha Argagixisada, Safarka Agaasimaha CIA ayaa ku soo beegmay xilli Amaanka Dalalka Geeska Africa uu hoos u dhac ku yimid.

348140cookie-checkMadaxa Hey’adda Sirdoonka USA oo Safar Qarsoodi ah ku Yimid Mogadishu…