Khilaaf U Dhaxeeya Gudoonka Baarlamaanka Puntland Iyo Xildhibaano

Somalia news

Waxaa weli taagan khilaaf u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha wakiilada dowladda Puntland, kadib kulan lagu kala kacay uu ka dhacay xaruntaasi maalmihii ugu dambeeyay….

Iyadoo uu Khilaafkaan sababay in 3-dii maalintii Ee ugu dambeysay uu baaqday kulan ay Baarlamaanku yeelan lahaayeen, waxaana Xildhibaanada u kala qaybsameen garab taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka soo horjeeda sheegayna inay abaabulayaan mooshin xilka looga qaadayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Gudoomiyaha barlamaanka Mr.Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu diyaariyay in mooshin ka dhan ah 8-Xildhibaan oo katirsan xubno ku eedaysan carqaladaynta howl maalmeedkii Baarlamaanka, waxaana magacyadoodu lagu kala sheegay.

Xil.Maxamuud Maxamed Barre,
Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre,
Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab,
Xil.Cabdi Jamaal Cismaan,
Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato,
Xil. Baduugaaye,
Xil.Muuse Jajabsay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ay ka soo dhaqaaqeen degaano katirsan gobolka Sanaag, waxeyna ku soo wajahan yihiin Magaalada Garoowe.

76240cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Gudoonka Baarlamaanka Puntland Iyo Xildhibaano