Share the post "Diyaarada Air France Oo Gebi ahaan Joojisay Duulimaadyadii Bariga Dhexe.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aam ay qaadatay Shirkada Diyaaradaha ee Air France kuna joojisay dhamaan Duulimaadyadii Badda cas ku dulmari jirtay iyo Dalalka Bariga dhexe, sababo la xiriira Amniga, kafib markii xiisadaha Colaadeed ee u dhaxeeya Iran iyo israel ay ka sii dartay…
Wararka ayaa sheegaya in Duuliyayaasha Diyaaradaha Air France ay sheegeen in ay arkeen wax iftiimaya oo jooga sare ee hawada ku socda, Dhacdadaasi kadib duulimaadyo kale ayaa soo sheegay inay ku qasbanaadeen inay dib uga laabtaan badda cas, iyadoo wararkii u horreysay ay sheegayaan in Xuutiyiinta ay gantaallo ballistic ah ku rideen, tallaabo loo qaaxay inay iskudayayaan sidii ay u joojin lahaayeen duulimaadka badda cas.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo dhacdadaan ay ka soo saareen Xuutiyiinta, mana cadda inay tani la xiriirto howlgal ay ku doonayaan inay Xuutiyiinta xiraan hawada badda cas oo saameyn ku yeelanaysa isku socodka hawada ee caalamka si ka badan xirnaashaha badda.
Arrintan waxay ku soo aadaysa xilli toddobaadkii hore laga maqlay hoggaamiyaha Xuutiyiinta , Cabdimaalik Al Xuuti inay billaabi doonaan wajiga shanaad howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa oo uu marka ku sheegay waxyaabo cusub in lagu arki doono iyo awooddo horleh oo ay adeegsanayaan.