Ciidamada India oo Qabtay Koox Burcad Badeed oo Afduub ku heystay Dooni Kaluumeysi..

Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidanka badda Hindiya oo ku dhawaaqay inay isku soo dhiibeen koox burcad badeed ah oo Afduub u haystay Doon Kaluumaysi oo laga leeyahay Iran oo lagu magacaabo Al-Kambar, Doontaasoo ay la socdeen 23 Shaqaale u dhashay Dalka Pakistan…

Ciidamadq India ayaa xaqiijiyay in dhamaan Kaluumeysatada badqabaan, Howlgalka ay kooxdaan isku soo dhiibtay Markabka Dagaalka INS Sumedha ee India ayaa ka dhacay muddo 12 saac ah meel qiyaastii 90 nm koonfur-galbeed ka xigta jasiiradda Socotra.

Degaanada Maamulka Puntland oo Bilihii ugu dambeeyay ay dib uga bilaawdeen Kooxaha Burcad badeedka Dhalinyarada degaanka iyo kuwa Amaanka xeebaha ayaa lagu sababeeyay Shaqo la’aan baahsan, Maamulka oo ka gaabiyay inuu Xoogaga Amaanka Xuquuqdooda Mushaaraadka muddo bilooyin ah siinin iyo Dhiiri gelin iney Dhalinyarada ku dhaqaaqaan Afduubka Maraakiibta talabadaasi oo khatar gelisay Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Xamuulka ee mara Badweynta India iyo Marinka Gacanka Cadmeed.

317970cookie-checkCiidamada India oo Qabtay Koox Burcad Badeed oo Afduub ku heystay Dooni Kaluumeysi..