Qatar Oo Sheegtay in Hogaamiyayaasha Xamaas ay Ka Tageen Dalkeeda…

World

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamaas ee ku sugan meel ka baxsan Gaza iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan kooxdeeda dhexdhexaadinta ayaan ku sugneyn magaalada Dooxa, sida ay sheegeen Dowladda Qadar iyo Sarkaal sare oo Falastiini ah, kadib markii Mareykanku uu culeys ku saaray…

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in xafiiska Xamaas uusan shaqeyneyn sababo la xiriira in Qadar ay hakisay dadaalladeeda dhexdhexaadinta ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay inaan gebi ahaanba la xirin.

Sarkaalka Falatsiiniga ah ayaa BBC u sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Xamaas ay wax ka beddeleen joogitaankooda gobolka ayna qarinayaan meelaha ay ku sugan yihiin si aysan ceeb ugu soo jiidin dalalka martigeliyay, Balse waxay sheegeen inay u badan tahay in Khalil al-Hayya uu ku sugan yahay Turkiga maaddaama uu halkaas dhowr jeer u safray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Iyadoona Sarkaalka uu beeniyay wararka sheegaya in Qatar ay si rasmi ah Xamaas u weydiisatay inay halkaasi isaga baxdo, waxay sheegeen in dalkan Gacanka uu u muuqdo in qudhiisa uu taxadarayo si uu uga fogaado xiisad walba oo u dhaxeysa maamulka haatan ee Madaxweyne Joe Biden iyo maamulka soo socda ee Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Qatar ayaa martigelisay xafiiska siyaasadeed ee Xamaas tan iyo sanadkii 2012 waxayna door weyn ka ciyaartay dhexdhexaadinta aan tooska ahayn ee kooxda iyo Israa’iil. Balse arrimihii dhowaan soo kordhay ayaa wax ka beddelay xiriirkooda.

350250cookie-checkQatar Oo Sheegtay in Hogaamiyayaasha Xamaas ay Ka Tageen Dalkeeda…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *