Maxaa Xiligaan UAE ku Riixay iney Heshiisiiyaan Axmed Madoobe & Abiy-ga Ethiopia…

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa safar Qarsoodi ah oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ku gaaray magaalada Addis abeba, kadib markii Saraakiisha UAE ay ku guuleysteen iney si hoose u heshiisiiyaan Labada Nin, kaasoo xumaaday Xiriirkii tan iyo markii la xiray Madaxweyhinii Kilinka Soomaalida…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Heshiisinta labada dhinac ay xudun u aheyd Xarihii Cabdi Iley iyo Duulaankii Fashilmay ee Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Kismaayo xiligii Maamulkii Farmaajo, talaabadaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii uu Axmed Madoobe ugu ogolaaday Imaaraatka Carabta iney Kooxo calooshood u shaqeystayaal ah geysteen Kismaayo iyo labada Jasiiradood oo ku dhow oo ay saldhig ka sameysteen, iyadoo dhawaan 59-Gaadiid Land Cruiser ah ay Imaaraatku ka dagsadeen dekeda Kismaayo.

Wararka ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu doonayo inuu adkeeyo cilaaqaadka Ethiopia isla markaasna lasoo daayo Cabdi Iley xilna loogu magacaabo, si uu ugu diyaar garoobo dagaal siyaasadeed oo dheer ee u damacsan yahay inuu la galo Madaxwayne Xassan Sh Maxamuud, Maamulka Damu jadiid ayaa il gaar ah ku heysa dhaq-dhaqaaqyadan ayaa damacsan iney hoos u dhigto miisaanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

253310cookie-checkMaxaa Xiligaan UAE ku Riixay iney Heshiisiiyaan Axmed Madoobe & Abiy-ga Ethiopia…