Share the post "Maxaa ka Run ah in Isku-Shaandheynta Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka.."
Macluumaad hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya inuu ka socdo Villa Somalia Qorshe lagu doonaayo in la isku shaandheeyo Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka, Maalmihii u dambeeyey Suuqa Siyaasadda iyo isku-shaandheynta uu ahaa mid xiiso gaar ah leh, iyadoo ay ku soo beegmatey in Xukuumadu gacmaha kula jirto xiisadda Jubaland…
Xuuraanka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalim Fiqi in loo magacaabi doono Agaasimaha Hay’adda NISA halkaasoo uu mar ka soo shaqeeyey, Mr.Fiqi ayaa aad ugu wanaagsan siyaasada gudaha, waxaana ku adkaatey inuu kaalin muuqata ka qaato Xiriirka Dibadda ee u baahan khibradda diblomaasiyadeed.
Halka Agaasimaha NISA Cabdillaahi Sanbaloolshe oo ku fashilmay sugida Amaanka Caasimada kadib markii Shababku dileen 37-Ganacsadayaal ah, Mr.Sanbaloolshe ayaa codsaday in Xil Wasiir loo magacaabo, waxaana loo wadaa sida ay sheegayso wararka hoose Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka ku qoondada ah ee hadda jooga wasaaradda Batrolka iyo macdanta Cabdirisaq Cumar ayaa la-taliye sare qaadanaya ama Madaxweynaha Hirshabelle.
Iyadoo Dowlada Egpyt ay Villa Somalia ka codsatay in Wasaarada Arrimaha Dibeda loo magacaabo Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ama Mr.Guleed Saalax Barre, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xiligaan Mr.Xil. Cali Yusuf Cali oo xilkan loo magacaabey bishii Abril ayaa wararku sheegayaan in uu ka bixi doono miiska Golaha Wasiirada.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa aad u doonaya wasaarad aan ahayn kuwa ku jira “A” laakiin hadda kor u soo kacaysa waana Wasaaradda Batroolka maadaama uu xiriir dhaw la lee yahay Turkiye oo hadda bilowdey shidaal baaris, Halka Gabadha Madaxweynaha loo magacaabi Doono Daniraha Somalia ee UN-ka.
Digniino ayaa laga soo saaray Hab qaybsiga Wasaaradaha ee A, B iyo C u kala baxa wax weyn ka khaldamayaan haddii beesha Madaxweynaha ay wada qaataan Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo weliba Wasaaradda Qorsheynta, taasoo keeni karta in wasiiro kale la isku beddelo, iyadoo Madaxweynaha uu qorsheynaayo inuu Xilal u magacaabo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo loo qorsheeyay inuu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka.