Maxkamadda gobolka Benaadir oo Amartay in lasoo Qabto Agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Amar baafin ah oo ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Benaadir oo lagu soo xiraayo Madaxii Laanta ee Canshuuraha Bariga ee Degmada Wardhiigley, ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia, Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxii hore ee Laanta oo Maqane ah ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, ku takri-fal hanti dadweyne, iyo Dokumentiyo been abuur ah, iyadoo dambiyadan la sheegay inay ka dhaceen xarunta canshuuraha Bariga ee degmada Wardhiigley.

Maxkamadda oo fulinaysa dacwad ay soo bandhigtay xeer ilaalinta qaranku, ayaa muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 11 November 2023 ilaa 10 December 2023 u qabatay inuu ku hor yimaado Maxkamadda, iyadoo Xeerbeegtu ay sheegtay haddii uu u hoggaansami waayo amarka maxkamadda in tallaabo sharci ah la qaadi doono.

Weli waxaa jira dhowr qof oo uu ku jiro Muxiyadiin Saabay, agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Bariga, Cabdul Qaadir Cilmi Cali, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka, Maxamed Aadan Jimcaale, oo loo jeediyay eedeymo isku mid ah.

287100cookie-checkMaxkamadda gobolka Benaadir oo Amartay in lasoo Qabto Agaasimihii hore ee Canshuuraha Bariga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com