Amnesty International Oo Dalka Isra’il Ku Eedeysay Iney Xasuuq Ka Wadaan Ciidamadeeda Magaalada Gaza..

World

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku eedeysay Ciidamada Israel iney xasuuq ku hayaan Dadka Rayidka ah ee Reer Falastiin ee ku nool Marinka Magaalada Gaza, iyagoo burburiyay intii badneyd Guryihii Magaalada..

Hey’adaan ayaa qoraal ay soo saartay ku xustay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kadib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka magaalada Gaza iyo hadallada Saraakiisha Isra’el, waxey ku eedeysay Isra’il iney si ula kac ah u burburineyso Guryaha, Masaajidyada iyo Xarumaha Waxbarashada ee Falastiiniyiinta, waxeyna u adeegsaneysaa duqeymo ba’an oo lagu hoobtay iyo iney si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo Raashin, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah.

Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza, Hogaanka Israel ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-kii.

Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kadib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sanadkii hore, Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan Haween iyo Caruur.

352000cookie-checkAmnesty International Oo Dalka Isra’il Ku Eedeysay Iney Xasuuq Ka Wadaan Ciidamadeeda Magaalada Gaza..