Dowladda Marocco ayaa Beeraleydeyda u Fasaxday Beerista & ka Ganacsiga Mandooriyaha Cannabis-ka

World

Inkastoo Dadweynaha Aduunka uu dhibaato Caafimaad iyo mid Maskaxeed uu muddo dheer ku qabay Waxyeelada Caafimaad ee Mandooriyaha Xashiishka (Cannabis), ayaa hadda Dalka Boqortooyada Morocco ayaa u oggolaatay beeraleyda fasax si ay u beertaan maandooriyahaan si markii ugu horreysay dalkaasi looga dhoofiyo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 10 Shati ayaa la siiyey qaar ka mid ah Beeraleyda Gobolada Al-Hoceima, Chefchaouen iyo Taounate kuwaasoo loo ogolaaday inay beertaan xashiishka si loo xoojiyo wax soo saarka xashiishka loona iibiyo iyadoo loo isticmaalayo qaab dawo ah.

Waxaa laga iibin doonaa warshadaha iyo shirkadaha soo saara dawooyinka, sida ku xusan sharci ay anisixiyeen baarlamaanka Morocco sanadkii lasoo dhaafay.

Dowladda ayaa sheegtay in beeraleyda lagu dhiirigelinayo inay sare u qaadaan wax soo saarka Xashiishka si ay u dabboolaan baahida ka jirta suuqyada, Tallaabadan ayey dowladu sheegtay in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha beeraleyda saboolka ah si ay dhaqaale uga helaan beerida Xashiishka.

217610cookie-checkDowladda Marocco ayaa Beeraleydeyda u Fasaxday Beerista & ka Ganacsiga Mandooriyaha Cannabis-ka