Share the post "Dowlada South Sudan oo Ethiopia ku Eedeysay iney Shirkado Macdan Baaris Dalkooda u soo direen.."
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Jubba ee Dalka South Sudan ayaa sheegaya in Saraakiisha Dalkaasi ay ku eedeeyay Maamulka Addis abeba iney ku xadgudbeen Qaranimada dalkooda kadib markii tiro badan oo Shirkado ah si sharci darro ah uga qotaan Macdan kala duwan iyo Dahab…
Wararka ayaa sheegaya in 50 shirkadood oo macdan qodis sharci darro ah ka wadaan gudaha dhulka Konfurta Sudan, Mas’uul u hadlay ayaa sheegay in shirkadaha macdanta ee Ethiopia ay ka howlgalaan 15-KM gudaha dhul “South Sudanese” oo ay ka soo saarayaan dahab iyo macdan kale.
Xuuraano ayaa sheegay in Shaqaiyaad u dhashay Dalka UAE ay ku lug leeyihiin Qodista macdanta waxaana lasocda Ciidamo calooshood u shaqeysatayaal, kuwa Gallada iyo Oromada Ethiopia, Maamulka Abiy ayaa hanjabaado iyo cagajuleyn joogto ah ku haya Dalalka deriska la ah sida Eritrea, Djibouti, Somalia, Sudan, South Sudan, waxeyna ka Faa’iidrystaan qalalaasaha iyo amaan darrada Dalalkaasi ka jira waxeyna ugu baaqeen iney joojiyaan Fara gelinta iyo Boobka.