Maxaa ka Run ah in Madaxtooyada Villa Somalia ay Oggolaatay in la Hakiyo Masharuuca Wax Ka Bedelka Dastuurka…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay oggolaatay in la hakiyo Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka dibna loo dhigo ilaa dhamaadka Bisha Ramadaan oo lagu wado iney bilaabato 11-ka Maarso 2024-ka si wakhti loo siiyo Wada xaajoodka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Dooda Xildhibaanada ilaa laga gaarayo Cutubka 4-aad ay sii socon doonto, ka horna waxaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu gaaro Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Mr.Axmed Macallin Fiqi iyo Wafdi u hogaaminaayo, isagoo kala hadli doona Maamulka Deni xalinta cabashadooda/tabashadooda ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Villa Somalia.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in 26-ka Bishaan uu magaalada Mogadishu uu ka dhici doono Kulankii Golaha Wada tashiga Qaran kaasoo lagu taageeraayo wax ka bedelka Dastuurka, waxaa muuqata in Mr.Deni iyo Kooxaha Mucaaradka (Shariif, Farmaajo, Kheyre iyo C/Shakuur) ay noqdeen Mad-lumiin siyaasadeed oo aan han iyo aragti fog ka laheyn Masiirka Shacbiga iyo adkeynta Dowlad dhiska Dalka, balse danahooda shaqsi dagaal ugu jiraan.

308780cookie-checkMaxaa ka Run ah in Madaxtooyada Villa Somalia ay Oggolaatay in la Hakiyo Masharuuca Wax Ka Bedelka Dastuurka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com