Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa falal Dil ah iyo Tiro Dhaawacyo ah oo u muuqda mid aargoosi ah loona geystay Dad Rayid ah oo xalay koox hubeysan ay ka geysteen Degaanka Ceel Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe..
Wararka ayaa sheegaya in hal Qof uu ku dhintay falkaan cusub ee aargoosiga salka ku haya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxeyna gubeen Gaari Cagaf ah oo Beeraha loogu tala galay ayna iska lahaayeen Dadka Degaanka, Dableyda falkaan geystay oo watay Gaari ayaa goobta ka baxsatay.
Xaaladda Degaanka ayaa kacsan waxaana hakad galay dhaqdhaqaaqa guud kadib markii ay cabsi soo wajahday Dadka ku dhaqan Ceel Baraf, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Hey’adaha Amniga iyo Howlwadeenada Maamul Goboleedka HirShabelle.
3560900cookie-checkKoox Hubeysan Oo Dil & Dhaawacyo ka Geystay Degaanka Ceel Baraf..