Digniino Amni oo Heerkeedu Sareeyo oo laga soo saaray Magaalada Mogadishu..

Somalia news

war Deg deg:- Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa Digniino Amni ka soo saartay xog hordhac ah oo ku la xiriira hanjabaado ka dhan ah goobo badan oo ku yaala Caasimadda Magaalada Muqdisho oo uu ku jirto Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Abdulle…

Xogo loo qaateen ah ayaa xoojinaaya in Digniintaan Amni uu heerkeedu sareeyo, waxaana loo baaqay Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Dhamaan Shaqaalaha safaaradaha gaar ahaan kuwa Mareykanka in la hakiyo dhaqdhaqaaqa Berito oo Talaadada, Apriil 9, 2024, sida ku xusan digniinta ka soo baxday Xafiiska la-talinta socdaalka heerka-4-aad (“ha safrin”), gaar ahaan Xafiisyada Dowladda, Hoteelada, Baararja & Goobaha la isugu yimaado.

Iyadoi Digniintaan lagu xusay iney dhici karaan howlgalo ay kooxaha Argagixisada ka fuliyaan, Kacdoon Dadweyne, Digniino la xiriira Arrimaha Caafimaadka, Afduubyo iyo Howlgalo burcad badeed, iyadoo Digniintaan ay soo shaac baxeyso xilli ay habacsanaan ka jirto Howlaha Hey’adaha Amaanka siiba kuwa ka howlgala Magaalada Mogadishu iyo nawaaxigeeda.

319930cookie-checkDigniino Amni oo Heerkeedu Sareeyo oo laga soo saaray Magaalada Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *