Culumaa’udiinka Oo Ku Dhaliilay Maamulka Deni inuu Dayacay Dagaalka Kooxaha Argagixisada..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Eedeyn xoogan oo Culumaa’udiinka Degaanada Puntland u jeediyeen Maamulka Deni inuu dayacay Dagaalka kooxaha Argagixisada ee fariisimada ku leh Buuraha Cal-miskaad iyo Cal-madow isla markaasna Dhibaato xoogan baad ka qaadis ku haya Ganacsatada iyo Gadisleyada Degaanadaasi…

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland iyo xubnaha sare ee Xarakada Diimeed Ictisaam, in Maamulada soo taliyay Degaanada Puntland ay muddo dheer ay daawanayeen dhibaatada ay ku hayaan Shacbiga, Shirkadaha iyo Ganacsatada, isla markaasna ay si tartiib ah awood ugu yeesheen gudaha Puntland, taasoo uu ku sababeeyay in maamulka uu ka mashquulay dagaalkaasi iyadoo loo jeestay arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah.

Sheekh Maxamuud ayaa xusay in culimada ay muddo 20 sano ah dagaal ku jiraan Al-Shabaab, ayna ku waayeen culimo badan, oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay Garoowe 2013-kii iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay Boosaaso 2011-kii, Sheekhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta dhaliilay culimada inay yihiin kuwii xabsiyada ka sii daayay dadkii ka dambeeyay dilalka culimada Puntland loogu geystay.

Wuxuuna Sheekhu ku baaqay in loo baahan yahay wada hadal dhab ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyin badan oo ka jira Puntland, sida qulqulka Muqaadaraadka iyo Qaxootiga ka imaanaya dalka Ethiopia oo dhibaatooyin ba’an ku haya Shacbiga.

357560cookie-checkCulumaa’udiinka Oo Ku Dhaliilay Maamulka Deni inuu Dayacay Dagaalka Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *