Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka & Ajandayaasha Xasaasiga ee Horyaala..

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Maanta uu furmo Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kadib muddo markii ay fasax galeen bilihii u dambeeyay, waxaana hor yaala Ajandayaal culus, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynaha uu ka aeyb galo isla markaasna Xuldhibaabada hordhigo Wax ka bedelka Dastuurka KMG ah…

Waxaa lagu wadaa in laga doodo Shuruuc ay Dowlada Federaalka u gudbisay kadibna la ansixiyo, inkastoo ay hawada ku jiraan Tiro Mooshino ah oo iska soo horjeeda lagu xagal daacinaayo ansixinta Wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo tiro Xildhibaano ay gudbiyeen Mooshin dhan ka ah Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre.

Xiisadahaan iyo khilaafka taagan ayaa ugu muhiimsan Doorka Dowlad Goboleedyada ay ku leeyihin wax ka bedelka Dastuurka, Muddo xileedka Madaweynaha iyo in la baa’biyo Xilka Wasiirka 1-aad laguna bedelo Madaxweyne kuxigeen iyo qodobo kale oo xasaasi ah, Shacbiga ayaa ku kala qeybsan Dooda Arrimahaan.

Waxaana si cad uga soo horyimid wax ka badelka Dastuurka Federaalka Somalia iyagoo ay ku tilmaamtay mid laga lee yahay dano siyaasadeed, inkastoo muddo 15-bilood uu Maamulka Dani xiriirkii u jaray Dowladii ay wax ka dhiseen, iyagoo sheegay in “Dastuurka KMG ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka”.

289540cookie-checkKulanka Xildhibaanada Baarlamaanka & Ajandayaasha Xasaasiga ee Horyaala..