War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan oo ahaa agaasimaha Aamin Ambulance ay xireen ciiamada dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in Dhaqtarka laga watay Baar uu ku sugnaa oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, markii ay ciidamo Boolis ah u yimaadeen halkaasina ka kaxeysteen.
Ciidamada afurkii kadib Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna la’aadeen dhanka xarunta dembi barista booliska ee CID-da.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Warqadda Dacwada ah ay ka gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000,00 oo dollar.