Maxkamada Gobolka Oo Amar Xayiraad dul dhigtay Maareeyaha Hey’adda Duulista

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaasoo xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan kadib markii ay ku eedeysay inuu u hoggaansami waayey amar kasoo baxay Maxkamadda…

Qoraal ku taariikheysan 16-ka November 2022, ayaa taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in Maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde, Qoraalka ayaa lagu sheegay in Axmed Macallin uu fulin waayey amar u yeeris oo kasoo baxay Maxkamadda oo lagu faray inuu horyimaado taariikhda 14-ka November, balse sida la sheegay uusan u hoggaansamin.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Sharciga ayaa la yaaban in Garsoorka Gobolka iyo laamaha kale ay noqdeen kuwo ugu horeeya ee ku xadgudba Sharciyada Dalka u degsan, Garsoorka Maxkamada ayaa Go’aankeeda ku sababeysay Dacwad ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir, Qoraalka maxkamadda kuma cadda waxa ka dhaxeeya Maareeyaha iyo Fatxi iyo sababta ay dacwad uga gudbisay.

226000cookie-checkMaxkamada Gobolka Oo Amar Xayiraad dul dhigtay Maareeyaha Hey’adda Duulista
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com