Wasiirka Caafimaadka Oo laga Hor-istaagay Qorshe Dhaqaale Urursi ah oo Dood Dhaliyay..

Economie Somalia news

Faanfaahino ayaa laga helayaa qoraal ay ku joojisay Wasaarada Maaliyada lacago si qasab ah looga qaadi lahaa Rakaabka ka baxaaya iyo kuwa ka soo degaaya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu si loogu qasbo iney qaataan Buuga Caafimaadka uuna soo rogay Wasiirka Caafimaadka..

Wararka ayaa sheegaya in Wasaarada Maaliyada ay soo fara gelisay Boobkaan shregtayna iney dib u eegis iyo baaris ku sameyneyso xiliga uu dhaqan geli lahaa oo aheyd 3-Feb-2025, Waxaana la qorsheeyay in lagu qaato 45-US$ si Socotada loogu qasbo iney bixiyaan Dhaqaalahaasi Qofkiiba hadii kale laga hor istaagaayo safarka.

Saraakiisha Wasaarada Maaliyada ayaa sheegay in dhaqaale boobka loo magac bixiyay “Buugga Cafimaadka” uu yahay sharci darro kana hor imaanaayo Maamulka Sharciga Dakhli uruurinta ee soo baxay 2019 kaasoo Wasaaradaha faraaya ineysan wax lacag ah uruurin karin, iyadoo Wasaaradaha iyo Wakaaladaha la faray iney joojiyaan.

359390cookie-checkWasiirka Caafimaadka Oo laga Hor-istaagay Qorshe Dhaqaale Urursi ah oo Dood Dhaliyay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *