Ololaha Ciribtirka iyo Ceejinta Dhuunta Dhakhliga Kooxda Shababka oo gaaray halkii ugu Sareysay

Somalia news

Sida ay muujinayaan warbixino loo qaateen ah Horjoogayaasha Kooxda Shababka ayaa sanadkii waxey soo uruuriyaan Miisaanad dhan 40-50 Million USA$, waxeyna ka qaadaa dhaqaalahaani Ganacsatada, Shirkadaha Isgaarsiinta, Beeraha, Shirkadaha Diyaaradaha kuwa Maraakiibta iyo qeybo dhismaha iyo Maxkameynta Hantida la isku heysto…

Wasiirka Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo qabtay Shir Jaraa’id ayaa shaaciyay in Shatiyada iyo Hantida lagala noqon doono Shirkadii ama Ganacsadihii lagu helo inuu Dhaqaale u diray Kooxda Argagixisada, sidoo kale Ganacsatada kafaala qaada Ganacsigooda si adag loola xisaabtami doono.

Maleeshiyaad kooxdani ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ku yimid culeysyo iyo weeraro ay Ciidamada Dowlada Federaalka ku qaadayeen fatiisimadooda (Maxkamadaha Macmilka ah) ee ku yaal duleedka magalaada Mogadishu, iyadoo lagu guuleystay in burburiyo, Culeyskaan ayaa la sheegay in Horjoogayaasha Kooxdani ku qasbay in Muddo 3-bilood ah la hakiyo Qaadista Dacwadaha iyo ururinta dhaqaalaha.

Wakaalada Wararka ee AFP ayaa ku qeexday Go’aanka Dowlada Federaalka mid ay ku dooneyso iney ”ku ceejiso dhuunta dakhliga ilaha dhaqaalaha ee macaasha badan ka faa’iidaan Hirjoogayaasha kooxda kuwaasoo ku dhiiraday iney dhaqaale u diraan Kooxaha argagixisada ee dagaalada ka wada Dalalka Nigeria iyo Mozambique.

219110cookie-checkOlolaha Ciribtirka iyo Ceejinta Dhuunta Dhakhliga Kooxda Shababka oo gaaray halkii ugu Sareysay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com