Ma Dhabaa in Xadgudubyada Kooxda Macawisleyda Hubeysan ay Kordheen…

Security Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Kooxaha Beelaha ee hubeysan lana magac baxay (Macawisleyda), kuwaasoo la sheegay in xadgudubyada ay u geystaan Dadka Rayidka ay sare u kacay 11%, iyadoo kiisaska meel ka dhacyadooda ay hadda u badan yihiin kiisaska la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia…

Maleeshiyada Macawiisley ayaa ah koox hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan oo ka dagaalanta Bartamaha iyo Konfurta Somalia, waxaana aasaasay Madaxweynaha Xiligaan kaasoo ku faahilmay inuu la yimaado qorshe cad oo looga difaaco Shacbiga dhibaatada ay deegaanadooda ku hayaan kooxda argagixisada Shabaabka.

Waxaa loogu magac daray Nidaamka dhaqanka ah ee reer guuraada Soomaaliyeed ee isticmaalka “macawis”, kuna hubeysan Qoryaha fudud waana dagaalyahan Rayid ah halkii ay ka ahaan lahaayeen Ciidan Rasmi ah, iyadoo Howlgaladooda uu xariga ka jaray Sanadkii 2022-kii Hogaanka xiligaan ee Villa Somalia.

Kooxdaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah hurinta Colaadaha Beelaha ee ka taagan Gobolada Hiiraan iyo Shabeeleda dhexe, Dadka u dooda xuquuqda Aadanaha iyo Saxafiyiinta ayaa ku eedeeyay Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia inuu hubeeyay Kooxdani kuwaasoo geystay Dilal bareer ah Tacadiyo ay ka mid yihiin Kufsi, gubida Tuulooyin iyo in Shacbiga ay ku qasbaan iney degaanadoida ka qixiyaan iyo Villa Somalia abaal marino ku dhiiri gelisay gabood faladooda.

359650cookie-checkMa Dhabaa in Xadgudubyada Kooxda Macawisleyda Hubeysan ay Kordheen…