Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu

Somalia news

Xogo amaan ayaa xaqiijinaaya in koox isugu jira naftood-haligayaal iyo kuwo cawinayaal ah ay qorsheynayaan iney weerar ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyagoo bartilmaameedsi ka dhigan doona Xarumaha Dowladda iyo Hoteelada ay degan yihiin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka…

Ilo wareedkaan ayaa la sheegay ineysan carabaabin bartilmaameedka ay qorsheysteen Kooxaha Argagixisada, balse waxaan laga digay qorshaha weerar ee Kooxda, Si gaar ah Hoteelada, Xarumaha dawladeed iyo Koontaroolada Ciidanka ku baaraan baabuurta in beegsan karo.

Inkastoo digniinaha khatarta amaan ay xili hore la shaaciyo hadana Hey’adaha Amaanka iyo Maamulka Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyaan iney ka gaabiyaan iney ka hortagaan kooxaha abaabulan Ee ka fuliya weerarada iyo qaraxyada Magaalada Mogadishu.

144220cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu