Trump Oo Shaqada Ka Eryay Taliyihii Ciidamada Mareykanka & Sababta…

Security U.S.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr.Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Taliyaha guud ee Ciidamada USA CQ Brown iyo 5-kale oo ay ku jiraan Taliyayaashii Ciidamada Badda, Cirka Army-ga, taasoo qeyb ka ah qorshihiisa uu ku doonayo inuu ciidamada kaga sifeeyo waxa loogu yeero Sareeyayaasha aaminsan qorshaha fulinta Mashruuca hirgelinta Dadka kala ‘Jinsiga ah’..

Brown, oo ah Sareeye ka tirsanaa Ciidamada Cirka uuna magacaabay Madaxweynihii hore Mr.Joe Biden, ayaa shaqada laga eryay habeenimadii Jimcaha, taasio qayb ka ah ololaha lagaga sifeynaayo Ciidamada Saraakiusha taageersan kala duwanaanshaha iyo sinnaanta darajada ee qorshaha Hirgelinta Jinsiga, Kadib guushiisii ​​doorashada, waxaa la isla dhex marayey in Trump uu doonayey inuu dib u howlgeliyo Hogaan Sareeyayaal hore ah kuwaasoo howlgab laga dhigay si uu meesha uga saaro Saraakiisha aan fulineynin qorshihiisa.

Trump ayaa sheegay inuu u magacaabayo Taliyaha Ciidamada Mareykanka Lt. Gen. Dan ‘Razin’ Caine, Sareeyahaan ayuu Mr.Trump ku sifeeyay inuu yahay duuliye leh khabiir amniga qaranka, hal-abuure Farsamo ee Ciidamada iyo khibrad hawlgal gaar ah,” ayuu Trump ku yiri isla barta bulshada.

361540cookie-checkTrump Oo Shaqada Ka Eryay Taliyihii Ciidamada Mareykanka & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *