Ma Dhabaa in Wasaarada Duulista Hawada ay Lacago Ka Qaado Badeecadaha Cargo-ga..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Masuqmaasuqii ugu xooganaa uu si asn gabasho laheyn uga socdo gudaha garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in Ololohii Maamulka Villa Somalia uu ku koobnaa kaliyah Hey’adda Socdaalka iyo Agaasinka Canshuuraha Biriga..

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista ay dhaqaale aan ku dhaceen qasnada Dowladda kusoo rogay dhamaan Shirkaddaha ka shaqeeya Cargo-ga, waxaana halkii kiilo laga qaadayaa lacag dhan 1$ oo macaash ah kuna dhacaysa akoon gaar loo leeyahay.

Iyadoo Lacagtaan oo aan qasnada Maaliyada ee Dowlada ku dhaceen ayaa waxaa lagu shubayaa akoon laga leeyahay Dalka Kenya si haddii uu isla xisaabtan yimaado aan loo tix raacin inkastoo ganacsata intooda badan ay ka biyo diiddeen arrintaan marka laga reebo hal Shirkad.

Doodda ugu weyn ee ganacsatada arrintaan ka biyo diiddan ayaa ah in la siiyo warqad kasoo baxday dowladda ama Tariifo muujinaysa sax ahaanshaha lacagaha laga qaadayo, intaasna waa laga la’yahay wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliyeed.

275860cookie-checkMa Dhabaa in Wasaarada Duulista Hawada ay Lacago Ka Qaado Badeecadaha Cargo-ga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com