Share the post "Doonyo ay Saaran Yihiin Tahriibayaal oo Ku Dageen Inta u Dhaxeysa Dalalka Djibouti & Yemen.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Doomo ah oo ay saarnaayeen in badan badan Tahriibayaal badan ayaa la sheegay iney ku degeen inta u dhaxeysa Bada Yemen Dalka Djibouti sida ay laga soo xigtay Howlwadeeno ka tirsan Hey’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee IMO..
Afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM (Tamim Eleian) ayaa Jimcihii sheegay in labo ka mid ah doonyahaasi ay ku qalibantay Yemen gelinkii dambe ee Khamiistii, iyadoo laba ka mid ah shaqaalihii Doontaasi la soo badbaadiyay, balse 181 Tahriibayaal ah iyo 5-Shaqaale Yemeni ah ayaa weli la la’yahay, Tahriibayaashaan ayaa la rumeysan yahay iney u dhasheen Dalka Ethiopia waxeyna ku sii jeedeen Dalka Sacuudiga.
Wararka ayaa sheegaya in Ugu yaraan 57-Qof oo Tahriibayaashani ka mid ah labada doonyood ay ahaayeen Haween, “Waxaan kala shaqeyneynaa mas’uuliyiinta si aan u aragno inaan heli karno kuwa badbaaday, laakiin waxaan ka baqayaa inaynaan haysan,” ayuu sheegay Afhayeenku.
Inkastoo uu dagaal sokeeye ka socdo muddo ku dhow toban sano Dalka Yemen ayaa weli ah marinka ugu weyn ee muhaajiriinta iyo qaxootiga ka imanaya Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee isku dayaya in ay gaaraan Dalalka Khaliijka si ay uga shaqeystaan, Boqolaal kun oo Qof ayaa isku daya in ay ka gudbaan sanad walba Badda u dhaxeysa Djibouti iyo Yemen.