Isbedel Lagu Sameeyay Hogaanka Amaanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee is-Maamulka Somalida Ethiopia ayaa sheegay in Madaxa Maamulkaasi uu isbedel ku sameeyay Hogaanka Xoogaga Amaanka ee la magac baxay ” Liyuu Boliis”, kadib markii ay Weerar kedis ah ku qaadeen Kooxda argagixisada Shababka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulkaasi Mr.Mustaf Cagjar uu Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Liyuu Boliiska, Cabdi Cali Siyaad (Gafeedhe), oo ka soo jeeda Beesha Isaaq, halka Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Gaarka ah loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Nuur oo ka soo jeeda Jufada Reer Cabdille Beesha Ogaadeen.

Isbedelkaan ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan kooxda Argagixisada Shabaabka iyo Maleeshiyaadka Canfarta ay weeraro culus ku qaadeen degaano iyo Saldhigyo Ciidanka Liyuu Boliiska ku leeyihiin xaduudka Canfarta iyo Gobolada Bakool iyo Hiiraan, ay la wadaagaan Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.

207300cookie-checkIsbedel Lagu Sameeyay Hogaanka Amaanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia