Ruto & Kuxigeenkiisa oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Xaafada Eastleigh ee Kamukunji..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya Mr.William Ruto iyo Kuxigeenkiisa Mr.Kithure Kindiki si weyn loogu soo dhaweeyay shalay xaafada Eastleigh si ay kormeer ugu sameeyaan mashaariucda hormarineed ee Kowntiga ka tirsan magaalada Nairobi..

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa kormeereen Xarumaha Ganacsiga iyo Xafiisyada Dowlada waxeyna ku adeeyeen iney ka qeyb qaataan xoojinta Amaanka iyo horumarinta Ganacsiga, Kormeerka ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Degaanka Mr.Aadan Barre, Xildhibaanka degaanka Kamukungi Mr.Yusuf Hassan, tiri Xildhibaano ah iyo Gudoomiyaha Gobolka Nairobi Mr.Johnson Sakaja.

Mr.Ruto ayaa kormeer ku tagay xarumaha ganacsiga ee Suuqa Soosaarka Fresh ee Bangkok iyo cusboonaysiinta Pitch-ka lamadegaanka, Degaanka Kamukunji, Dugsiga hoose ee Zawadi ee Barnaamijka Quudinta Dugsiga, iyo Mashruuca Guriyeynta La Awoodi karo ee Shauri Moyo B ee ku yaalla Deegaanka Makadara.

363360cookie-checkRuto & Kuxigeenkiisa oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Xaafada Eastleigh ee Kamukunji..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *