Ma Dhabaa In Abiy Lagu Cadaadinaayo Inuu Xilka Wareejiyo

Africa News

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu cadaadinaayo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Kornayl Abiy Ahmed inuu iscasilo si uu wadanka u badbaadiyo, Cadaadiskaan ayaa la sheegay inuu ka yimid Bulshada Ethiopia iyo Wakiilada Beesha Caalamka…

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa cadaadis culus ay saarayeen wadamada caalamku ugu horeeyan reer Galbeedku ayna qeyb ka yihiin midawga USA iyo Europe, inkastoo Mr.Abiy lagu tilmaamay inuu yahay isbadbadal badan oo dhawr jeer ka noqday Balanqaad uu u sameeyey beesha caalamka, lama hubi inuu ka noqon doono balanqaadka iscasilka.

Hubeynta Shacabka iyo baaqiisa ahaa in la xasuuqo Tigreega ayaa inta badan u horseeda wadamada dagaal sokeeye oo kasoo kabasho lahayn, sidoo kale waxaa la sheegay in la xiran Garoonka diyaaaradaha Ee Bole International Airport Ee Addis Abeba, amaanka dartiis, iyadoo diyaaradaha loo wareejiyay Dalka Djibouti.

131480cookie-checkMa Dhabaa In Abiy Lagu Cadaadinaayo Inuu Xilka Wareejiyo