Share the post "Dowlada UK Oo Muwaadiniinteeda kula Talisay ineysan u Safrin Dalka Ethiopia & Sababta.."
Macluumaad ayaa laga helayaa Digniino Amni oo ay soo saartay Dowlada UK, iyadoo kula talisay ineysan u safrin Dalka Ethiopia sababo la xiriira xasilooni darada ka jirta degaano badan iyo Dagaalada sokeeye ee ka socda Gobolka Amxaarada iyo midka dib uga soo cusboonaaday Gobolka Tigray…
Digniintaan ayaa lagu xusay ineysan Muwaadiniinteeda booqan Xuduudaha Ethiopia, Sudan iyo South Sudan, Degaanada ku teedsan Xuduuda Somalia & Kenya halkaasoo ay ka socdaan Dagaalo beeleedyo halkaasi wada dega iyo Xuduuda Ethiopia iyo Eritrea kafib markii ay ka dhaceen dagaal beeleed u dhaxeeya Garabyada Ururka TPLF.
Cabsidaan Amni ee Dowlada UK ayaa la xiriirta in Maamulka Abiy ee Ethiopia uu ka gaabiyay inuu xakameeyo colaadaha u dhaxeeya Qowmiyadaha iyo in Ciidamada Ethiopia ay Dagaal isir sifeyn ah ka wadaan Degaanada Maamulka Amxaarada kaasoo muddo 3-sano ah ka socdo dagaalo ay labada dhinac ku hoobteen isla markaasna waxyeelo ba’an ka soo gaartay Dadka Rayidka ah ee degan Degaanadaasi.