Ma Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay Marin u Noqotay Hubka Sharci darrada ah ee Dagaalka Sudan lagu Huriyo..

Africa News

Dowladda Imaaraatka Carabta oo looga bartay faragalin iyo burburin ay ku sameeyeen Dalal dhowr ah oo Muslimiin ah ayaa hada u muuqata mid khatar toos ah ku keeni karta soo kabashada Dowladnimada Somalia. Dalkaan (UAE) ayaa horay u faragaliyay wadamo ay ka mid yihiin Liibiya, Yaman iyo Masar, Hadana waxay faragalin dagaal ka wadaan wadanka Sudan oo ay taakulo dhaqaale iyo Huba siiyaan jabhadda RSF….

Eedeymo badan oo uga yimid caalamka ayuu Dalka UAE wuxuu go’aansaday inuu isku dayo inuu iska qariyo indhaha caalamka marka uu hubka u daabulayo jabhadda RSF. Diyaaradaha kasoo duula Abu Dhabi ee hubka u wada Maleeshiyaadka RSF waxay toos uga soo dagaan magaalada Boosaaso, saacad kadibna waxay usii duulaan magaalada N’Djamena ee wadanka Chad, halkaas oo ay baabuur ugu sii gudbiyaan xuduuda Galbeed ee Sudan ay la leedahay Chad.

Waxaa horay loo ogaa in Magaalada Boosaaso ay UAE ku leeyihiin saldhig ciidan, waxaase arin cusub noqotay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo isticmaali xarun lagu xalaaleeyo hub sharci daro ah oo lagu burburinaayo wadan walaal ah. Waxaa kaloo wax lala yaabo noqotay in dowladaha Somalia iyo Djibouti ay gacan ku leeyihiin gudbinta hubkaas sababtoo ah diyaarada geysa hubka Chad waxay soo noqoshadeeda soo martaa magaalada Jabuuti ka hor inta aysan mar kale kusoo dagin garoonka Boosaaso, halkaas oo ay uga sii gudubto Abu Dhabi.

Sidoo kale Dowladda Muqdisho oo maamusha marinada hawada Somalia ee Diyaaraduhu maraan ayaa ogolaatay in diyaaradahaas hubka u wada jabhadda RSF ay isticmaalaan hawada Dalka walibana ay kusoo dagaan magaalada Boosaaso oo ka mid ah Somalia. Waxaa la wada xasuustaa qilaafkii ka dhashay heshiiskii Somaliland ay damacday ineey ku bixiso badda Lug-Haya in Dowladda Federaalka ay hor istaagtay diyaarado sharci daro ah oo damacsanaa ineey kusoo dagaan Magaalada Hargeysa.

Sidaas darteed ma dhici karto in Hey’adda duulista hawada Somalia aysan ka war heynin diyaaradahaas hubka soo marsiiya dhulka iyo hawada Dalka kadibna si sharci daro ah ugu gudbiya jabhadda RSF, Cadeymaha duulimaadyadaasi ayaan halkaan kusoo lifaaqnay ee nala daawada. Duulimaadyadii ugu dambeeyayna waxay mareen Boosaaso shalay oo taariikhdu aheyd 2da April.

318780cookie-checkMa Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay Marin u Noqotay Hubka Sharci darrada ah ee Dagaalka Sudan lagu Huriyo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com