AU-da oo Somalia ku wareejisay Gaadiidka Dhaqmaad galay oo Gabow ah iyo Agab kale..

Africa News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Deeq uu Danjiraha Somalia ee Dalka Ethiopia kaga gudoomay Magaalada Douala ee Dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig Qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB), Gadiidka & Qalabka ah kuwa Dhaqmaad galay oo gabow ah..

Danjiraha Somalia ee Ethiopia ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, uga mahad celiyay deeqdaan Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB), ayaa isugu jira gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, tiro Gaadiid Gaashaman, Booyadaha Shidaalka iyo Biyaha, matooro, shixnado dawo ah, kuwaas oo loogu talo galay xoojinta kaabayaasha amniga iyo xasilloonida Somalia.

Gaadiidkaan gaashaaman iyo agabka kale ee muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ku wareejiyay Somalia ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf,  safarkiisi ugu horeeyay ku yimid Somalia.

365600cookie-checkAU-da oo Somalia ku wareejisay Gaadiidka Dhaqmaad galay oo Gabow ah iyo Agab kale..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *