Ma Dhabaa In Saamigii Ethiopia Ee Dekada Barbera Lagala Noqday

Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa muujinayaa in Saamigii ay Dowladda Federaalka Ethiopia ku laheyd Dekada Magaalada Berbera Ee Maamulka Gobolada waqooyiga lagala noqday kadib markii culeysyo is-biirsaday ay ku qasbeen iney ka Baxaan heshiiskaasi…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in heshiis ay wada gaareen Wakiilo ka Socda Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland iyo Ethiopia ayaa la isla meel dhigay in Saamiga qeybsiga uu noqo, DP World waxa ay saamiga dekada yeelanaysaa 51% boqolkiiba, Somaliland waa $30 boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskana waxa uu soconayaa muddo 30 sanadood ah.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia oo xiliyadii ugu dambeeyay ay wajaheysa Culeysyo Siyaasadeed iyo dhaqaale xumi baahsan ay horseeday iney ka baxdo heshiiska, iyadoo la sheegay iney ka gaabisay iney hirgeliso heshiiskasi qeybta kaga aadan, Waxaa la sheegay iney ku hareen DP World iyo Maamulka Muuse Biixi kuwaasoo kala qeybsan doonaa Saamiga 19% Ee Ethiopia.

127980cookie-checkMa Dhabaa In Saamigii Ethiopia Ee Dekada Barbera Lagala Noqday