Caqabado Soo Wajahay Guddiga Doorashooyinka

Politics

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in Dib u dhac iyo Caqabado ay Soo wajaheen Guddiga Doorashooyinka Oo la filaayay iney 27-ka hortaagan Kulanka Xildhibaanada si ay warbixino uga siiyaa xaalada Doorashada…

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa maalinta berri kulan yeelanaya, iyagoo ka arrinsanaya xilliga rasmiga ah uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga Guddoomiyaha Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey ay hor imaan doonta Baarlamaanka, si looga dhageysto warbixin ku saabsan nooca doorashada iyo xilliga ay dhaceyso, qaabka Guddiga ugu diyaar garoobay doorashada.

27-ka bishan May oo la filayay in Guddoomiye Xaliima Yarey inay hor-tagto Baarlamaanka ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana la filayaa in horraanta bisha June loo asteeyo inay Baarlamaanka warbixin ka jeediso.

Su’aalo kala duwan ayaa ku horgudban Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran oo ku saabsan awoodda ay u leeyihiin in doorashada ay xilligeeda ku qabtaan.

Kalfadhiga 7-aad ee Barlamaanka 10-aad Oo ah kan ugu dambeeya muddo xileedkoida, Waxaa horyaala qodobo masiiri ah oo ay ugu horeyso Doorashooyinka, Waxaana isha ku haya Shacbiga Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Qaabka ay Xeer/dejiyayaasha u maareynayaan marxalada kala guurka ah, ayaa ka mid ah waxyaabaha natiijadoodu laga sugaayo, Wardiyaha Diinah.com ayaa loo xaqiijiyay in Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad uu salka ku hayo warbixinta (Khudbada) ay Gudoomiyaha guddiga Doorashada jeedin doonto, Gaar ahaa qabashada Doorashada Qof iyo cod.

Codeynta Qof iyo cod Oo Dalka Somalia, k dhacda Sanadkaan iyo Kan xige ayaa waxaana la geliyay calaamad su’aal, maadama aysan jirin diyaagarow buuran iyo amni darro sababi u tagay Kooxaha argagixisada.

36740cookie-checkCaqabado Soo Wajahay Guddiga Doorashooyinka