Xarunta Xalane Oo Cudurka Caabuqa Ku Faafay

Health

Xarunta Xalane gabi ahaanba la xiray oo la galiyay bandow habeen iyo maalin ah ayaa hadana Mas’uuluyiintii caafimaadka ee AMISOM iyo Midowga Afrika laga helay cudurka Covid19, Dr. Hippolyte Moreira oo ahaa madaxa qorshaynta iyo kormeedka caafimaadka AMSION ayaa la soo dhacay cudurka Cabuqa eeCovid19…

Dr.Hippolyte ayaa ahaa Mas’uulkii u xilsaarnaa daaweynta dadka cudurka ku dhaco ama  dadka ay arimo kale oo caafimaad ay la soo darsaan oo kana tirsan AMISOM, Howlwadeen oo la il-darnaa cudurkaan mudo labo asbuuc ah ayaanan la ogeyn inta qof ee uu qaadsiiyaya ama uu ku daartay cudurka.

Dr. Hippolyte Moreira ayaa waxa markiisii hore shaqada si musuq-maasuq ku keenay Ambassador Francisco Madeira, isaga oo ka soo jeedo Galbeedka Afrika, saaxib hoosana la aha qoyska Danjire Francisco Madeira, Ayaan darrada jirtaa ayaa ah in Maamulka Villa Somalia uusan wax war ah ka heynin waxa ka dhacaaya gudaha xerada Xalane (Amisom Headquarter), waxaana ay u muuqataa in shaqasigaan iyo xubno kaleba ay si dadban ugu faafiyaan cudurkaan magalaada Muqdsho iyo nawaaxigeeda.

36700cookie-checkXarunta Xalane Oo Cudurka Caabuqa Ku Faafay