Share the post "Shirka Madasha Qaran & Shakiga ku gedaaman ka qeyb galka Jubbaland & Puntland.."
Kadib Cadaadisikii Danjirayaasha UK & USA iney si deg deg ah loo qabto Shirkii Madasha wada tashiga Qaran ugu dambeyn 30-May, inkastoo ay soo baxaayaa shuruudo ay keeneen Masmulada Puntland iyo Jubbaland , taasoo mugdi sii gelineysa ama sii daba dheereyneysa dadaalada lagu doonaayo in lagu xaliyo khilaafka gaamuray…
Khilaafka u dhaxeeya Dhinacyadaan ayaa sii xumaaday markii Maxkamad Gobolka Benaadir soo saartay Amar qabasho oo lid ku ah Madaweynaha Jubbaland isla markaasna Dagaal labada dhinac ku dhex maray Degaanka Raskambooni, khilaafka ayaa ka soo bilaawday markii 3-aad uu isku caano shubay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, halka Puntland ay xiriirkii u jartay Dowlada Federaalka.
Kalsooni darrada ayaa gaartay halkii ugu hoosesay, Hogaamiyayaasha Siyaasada Jubbaland iyo Puntland ayaa ganafka ku dhuftay qorshaha Dowlada Federaalka ee Doorashada tooska ah ee Shacbiga, waxeyna ku adkeysteen iney sii wadi doonaan doorasho dadban, ku darsoo waxey diideen in la mideeyo canshuuraha Dekedahana la hoos geeyo Dowlada Federaalka, iyadoo Jubbaland marar badan lagu eedeeyay iney Ganacsiga Dhuxusha ku milantay, Halka Puntland ay Caloishood u shaqeysatayaal Colombian ah iyo Russian ay si sharci darro ah uga howl galaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso.
Waxaa nasiib darro ah in Hogaamiyayaasha Somalia ay arrintan ku timid, iyadoo beesha caalamka ay hadda soo saartay hanjabaado, Ka-qaybgalayaal badan ayaan weli xaqiijin ka-qaybgalkooda NCC, Daneysiga iyo Nidaamka foosha xun ee Beekeysan ayaa keenay in la waayo talo Qaran, iyadoo muddo Sanooyin ah ay Hogaamiyayaasha Siyaaaada Beelaha Daarood ay diideen iney Qeyb ka noqdaan Nidaamka Federaaleynta afduubna ku heystaan dhameystirka Dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta, Ififaalaha hadda u muuqataa ayaa ah in Daneeyayaasha Arrimaha Somalia aysan wado kale u furneyn iney adeegsadaan awood lagu xaliyo khilaaka gaamuray.